Munaasabad Baladweyne loogu qabtay 260 ruux oo bartay Tafsiirka qur’aanka kariimka.

0
286
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 260 ruux oo iskugu jira rag iyo haween islamarkana bartay tafsiirka qur’aanka kariimka ayaa munaasabad lagu sagoootinayay loogu qabtay masaajidka al huda ee ku yaalla xaafadda howlwadaag ee magaalada Baladweyne.

Hal sano iyo saddex bilood ayay baranayeen dadkan tafsiirka qur’aanka kariimka, waxana munaasabaddan ka qeyb galay culumaaudiin, iyo marti sharaf kale.

Culumaaudiinka ka qeyb galay munaasabadda ayaa hadalo dardaaran ah u jeediyay ardeyda bartay tafsiirka qur’aanka kariimka.

Sheekh Xamse Yuusuf Nuur oo ardeydan baray tafsiirka qur’aanka kariimka ayaa ka waramaya ahmiyad ay leedahay barashada diinka islaamka.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here