Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ayaa lagu qabtay munaasabad lagu tageerayay islamarkana lagu soo dhaweynayay wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta XFS Daahir Shire Maxamuud oo dhawaan xilkan uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay isku simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahna guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda, Guddoomiyaha Degmada Baladweyne odayaal dhaqameed, duqa magaalada Baladweyne , bahda waxbarashadda, ganacsato iyo marti sharaf kale.
Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.