Munaasabad lagu xusay maalinta calanka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0
276

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xassan Cali Kheyre, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabal degayo 65 sano guuradii ka soo wareegtay markii  la sameeyay calanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 12-kii Oktobar sannadkii 1954-tii ayaa lagu qabtay taalada dhax tuur ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in maalinta la sameeyay calanka ay tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed.

RW Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in calanka uu dhalay dowladnimada balse dowladnimada ayaa lagu ilaaliyan calanka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here