Munaasabad lagu xusayay xornimadda Jabuuti oo lagu qabtay Baladweyne.

0
77

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xerada ciidamada ATMIS iyo qaramada midoobay ee duleedka magaalada Baladweyne ayaa lagu qabtay munaasabad loogu dabal degayay 47 sano guuradii ka soo wareegatay markii jamhuuriyadda jabuuti ay xornimada ka qaadatay guumeystihii faransiiska sannadkii 1977-dii.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, taliyaha qeybta afaraad ee ATMIS Col Saciid Waaberi, taliyaha hiil walaal 11 ee ciidamada Jabuuti Col Maxamed Xassan Cabdalla, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kuwa ATMIS, odayaal dhaqameed iyo dhalinyaro.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.