Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabado lagu maamusayo maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-ka November, iyadoo maalintan la bilaabay sannadkii 1974-tii.
Munaasabadahan lagu weyneynayo doorka macalinka iyo kaalinta uu uga jiro bulshada ayaa lagu qabtay iskuulada Buundo weyn iyo Hiiraan integrated ee magaalada Baladweyne, waxana ka qeyb galay maamulada labada iskuul, macalimiin, ardey iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.