Muran kadhashay dhaqaalaha lagu bixiyo muhaajiriinta oo u dhexeeya Talyaaniga iyo Jarmalka.

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu u codeeyo qaraarka dhigaya in ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso Kenya la geeyo dalka Haiti si ay u xakameeyaan rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii kordhaya.

Golahan oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan qaab dhismeedka ciidanka iyo in la ogolaado in hal sano ay halkaa ciidamada joogaan, iyadoo dib u eegis lagu sameyn doono sagaal bilood kadib.

Haddii ay ogolaato QM, Kenya waxa ay Haiti geyn doontaa 1,000 askari oo booliis ah bisha Janaayo ee sanadka soo socda. Bahamas, Jamaica iyo Antigua iyo Barbuda ayaa sheegay inay ka qayb qaadan doonaan howlgalka.

Ciidanka ayaa gacan ka geysan doona tababarida booliiska Haiti iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah oo ay buux dhaafiyeen kooxaha dambiilayaasha ah.