Baledweyne ( Radio Beerlula )-Calin Georgescu oo ah nin ay siyaasaddiisu jirto midigta fog aadna u naqdiya gaashaanbuurta NATO isla markaana u janjeera dhanka Ruushka ayaa si lama filaan ah kaalinta koowaad ugu soo baxay wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada dalka Romania ee dhacday Axaddii shalay.
In ka badan 93 boqolkiiba codadka ilaa iyo hadda la tiryay ee doorashada ayuu Georgescu oo 62 jir ah ka helay 22%, halka ra’isulwasaare Marjel Jiyalaaku uu keenay 21%.
Labadan murashax ayay u badantahay in ay ku tartami doonaan wareegga labaad ee kala baxa ah ee doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 8-da bisha soo socoda ee December.
Ra’yi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa qaarkood qiyaasay in Georgescu uu doorashada ka heli doono codad dhan 5%, hase yeeshee natiijada uu keenay ayaa la yaab ku noqotay Romania iyo Yurub.
Joorjeesku ayaa codbixiyaasha u ballan qaaday in uu kharash gareyn doono lacago badan, iyo in uu dhimi doono canshuurta.