Musaambiik oo gubaysa 45,000 oo digaagadood ama dooro.

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Musaambiik ayaa gubaysa 45,000 oo digaagadood si ay u xakamayso hargabka shimbirraha ee ka imaanaya Koonfur Afrika.

In ka badan 45,000 oo digaagadood ayaa la gowracay, la gubay, deetana la xabaallay koonfurta Musaambiik si looga hortago faafitaanka xanuunka hargabka shimbirraha sida ay sheegeen saraakiisha wadankaasi.

Digaaggan ayaa laga soo dhoofiyay dalka dariska ah ee Koonfur Afrika, halkaas oo uu cudurku ka dilaacay.

Cudurka ayaa hadda ku faafay degmada Morrumbene ee ku taala gobolka Inhambane ee koonfurta dalka Musaambiik.

Masuuliyiinta ayaa isku dayaya inay xakameeyaan faafitaanka cudurka, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inuu qaybo kale ka dilaaco.

Hargabka shimbirraha waa cudur faafa oo ka yimaada digaagga iyo shimbirraha duurjoogta ah

wuxuuna si dhakhso ah ugu faafi karaa shimbirraha dhexdooda maalmo guduhood.