Musalsalkii Real Madrid Iyo Manchester City Ee Lixda Gool & Barbarraha Lagu Heshiiyey

0
104

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Real Madrid iyo Manchester City ayaa ku heshiiyey barbarro lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League kulan la isla rafaaday oo marba ay wajiyeelanaysay ciyaartu, taas oo kusoo dhamaatay barbarro 3-3 ah.

Ciyaartan oo ay Manchester City waqti hore hoggaanka ku qabatay gool degdeg ahaa oo uu laad xor ah u dhaliyey Bernardo Silva ayaa isbeddeshay qaybta horeba, iyadoo Real Madrid ay la timid laba gool oo laba daqiiqadood oo kali ah u dhexeeyeen, halka qaybtii dambena ay labada kooxood keensadeen goolasha sababta u noqday barbarraha.

Kulankan oo si adag loogu dagaallamay khadka dhexe iyo garbaha oo ay kubaddu ka socotay, ayaa waxa daqiiqaddii koowaad oo aan dhammaanin laad xor ah loo dhigay Manchester City iyadoo kaadh huruud ah oo aan digniin lahayn la siiyey Aurelien Tchouameni oo ganaax ku seegi doona lugta labaad.

Bernardo Silva ayaa kubadda sallaxday oo darbad ku toogtay goolka iyadoo aanu diyaar ahayn Andriy Lunin, waxaana uu ku hubsaday shabaqa.

Laakiin daqiiqadihii 12aad iyo 14aad ayay Real Madrid dhalisay laba gool oo daran-doorri ahaa oo midkood uu kubadda isku leexiyey Ruben Dias oo isku dayey inuu joojiyo darbad uu soo laaday Camavinga, halka goolka labaad oo qurux badnaana uu saxeexay Rodrygo.

Labada kooxoodba fursado badan ayay heleen qaybta hore iyadoo ay gacanta sarena lahayd Real Madrid oo siddeed jeer toogatay goolka City, halka iyagana lagu laaday afar kubbadood.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Manchester City lasoo laabatay awood dheeraad ah, waxaanay culays saareen Real Madrid oo dib ugu ururtay xerada ganaaxa, waxaana dhibaato badan ku hayey labada bidixle ee Phil Foden iyo Bernardo Silva, halka garabka bidix ay isla rafaadeen Jack Grealish iyo Dani Carvajal.

Manchester City ayaa shan daqiiqadood gudahood oo ahayd daqiiqadihii 66aad iyo 71aad waxa ay is-raacisay laba gool oo bannaanka ay ka toogteen Phil Foden iyo Joško Gvardiol oo ciyaarta ka dhigay 3-2.

Real Madrid isma aanay dhiganin, waxaanay samaysay dedaal badan iyadoo ay awoodda usoo celiyeen Brahim Diaz iyo Luka Modric oo beddel kusoo galay, waxaanay taasi keentay in daqiiqaddii 79aad uu gool gantaal ahaa dhaliyo Fede Valverde.

Kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday Luka Modric ayuu u dhiibay Vinicius Junior oo isaguna dhinaca kale ugu geeyey Valverde oo darbad xooggan ku hubsaday shabaqa.

Natiijadan ayaa ka dhigan in labada kooxood midkooda soo gudbaya lagu go’aamin doono garoonka Etihad Stadium oo Arbacada toddobaadka dambe ay isla tegi doonaan.