Musuq-maasuq hareeyey nidaamka Bankiyada Nigeria

0
235

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda qaabilsan la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Nigeria ayaa sheegtay in nidaamka bankiyada ee dalkaasi uu mas’uul ka yahay 70% , dembiyada maaliyadeed ama falalka wax-is-daba marinta la xidhiidha ee dalkaas laga sameeyo.

Guddiga Dambiyada Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ayaa qiimayntan sameeyeen intii lagu jiray shir-madaxeedkii bishii March.

Sannad kasta waxaa shacabka Nigeria ay soo sheegaan tobanaan kun oo kiis oo khiyaamo ah oo ay ku kaceen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Tusaale ahaan Sannadkii 2021, ku dhawaad 140,000 oo kiis ayaa la diiwaangeliyey.

Guddida ayaa sheegaya inay ka shaqaynayaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa.