Muxuu ka yiri Darren Bent heshiiska uu De Jong ugu biirayo Manchester United??

0
182

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeyga Premier League-ga ee Darren Bent, ayaa muujiyay sida uu ula yaabay rabitaanka Barcelona ee ah inay iska iibiso khadka dhexe reer Holland ee Frenkie de Jong.

De Jong ayaa ku dhow inuu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Manchester United si uu u maro khibradiisa cusub kaddib Barcelona.

Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay wareysiga halyeyga Premier League-ga ee Darren Bent, wuxuuna yiri:

“Ka tagista De Jong ee Barcelona?… tani waa wax lala yaabo, ma garanayo sababta ay Barcelona u iibineyso ciyaaryahan tayadan leh, ma waxay u baahan yihiin lacag?.”

“De Jong wuxuu caddeeyay inuu doonayo inuu sii joogo, wuxuuna sheegay in Barcelona ay tahay kooxda ugu weyn adduunka, wuxuuna u muuqdaa mid ku faraxsan halkaas.”

“De Jong, waxa uu ka hari doonaa tartanka Champions League una gudbi doono UEFA Europa League taas oo dhabar jab ku ah.”

De Jong waa 25 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe, wuxuuna qandaraas kula jiraa Barcelona ilaa 2026.

Frenkie de Jong ayaa u soo dhaqaaqay Barcelona 2020 isagoo ka yimid Ajax Amsterdam, tan iyo markaas wuxuu u ciyaaray 138 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 12 gool, wuxuuna caawiyay 17 gool kale.