Home Cayaaraha Mykhailo Mudryk oo Ka Farxiyay Arsenal

Mykhailo Mudryk oo Ka Farxiyay Arsenal

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)- Mykhailo Mudryk ayaa diray fariin niyadda u dajineysa taageerayaasha Arsenal ka dib kulankii xalay ee Brighton

Arsenal ayaa wadahadallo kula jirta Shakhtar si saxiixa laacibka u  helaan bishaan xilli Mudreyk uu taageero buuxda u yahay macalin Arteta .

Ma ma ah markii ugu horeysay ee uu u gacan haatiyo in uu doonayo ku biirista Arsenal iyadoo xalay uu daawaday kulankii Brighton ay ku garaaceen

Waxa uu bartiisa Instagram-ka uu soo dhigay sawirka tababare Arteta iyo midka Brighton waxa uuna ku soo qoray laba tabababare oo cajiib ah

Murdryk waxa kale oo uu Instagram-kiisa soo dhigay  muuqaal la soo ururiyey oo muujinaya yoolkiisa iyo xirfadihiisa ugu wanaagsan 2022. Muuqaalka waxa loo adeegsaday heesta ‘Circo Loco’ ee  21 Savage iyo Drake, oo ay ku jiraan erayada: “Weli waa in aan aragnaa guusha Gunners Leegada.”

Kooxdiisa waxa ay ku qiimeysaneya aduun dhan 85 milyan halka Arsenal dooneyso in ay bixiso 57 oo horay looga soo diiday , waxa uuna laacibkaan bartilmaameed u yahay kooxo kala duwan