Nashqadeynta guud ee magaalada Kismaayo oo la daahfuray.

0
85

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furay naqshaddaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.

Munaasabadda lagu daahfurayey naqshaddaynta magaalada kismaayo waxaa kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno katirsan golayaasha kala duwan ee maamulka Jubbaland, masuuliyiinta Hay’adda dhulka Jubaland, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.