Natiijada doorashada baarlamanka Faransiiska oo la shaaciyay.

0
109

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday wareegi labaad ee doorashadi baarlamaaniga aheyd ee Axaddii shalay ka dhacday Faransiiska, kaddib marki uu isbaheysiga bidixda ku guuleystay, inkasta uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka.

Natiijada ayaa muujineysa in isbaheysiga bidixda ay ku guuleysteen 182 kursi, xisbiga dhextaalka ee Macron ayaa helay 168 kursi, halka xisbiga midigta fog ee NR ee ay hogaamiso Marine Le Pen uu ku guukeystay kuraas dhan 143.

Taasi ayaa ka dhigan in xisbina uusan u dhaweyn aqlabiyadda, waayo waxaa xukuumad soo dhisi kara xisbigi keena kuraas dhan 289. Baarlamaanka Faransiiska ayaa ka kooban 577 xildhibaan.

Cod-bixiyayaasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed qoorta u suray xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso, haweneyda mayalka adag Marine Le Pen.