Natiijada ka soo baxday baaritaankii la marsiiyey xiddigaha Kooxda Real Madrid

0
561

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la shaaciyey natiijada ka soo baxday baaritaankii la marsiiyey xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid, iyadoo war wanaagsani uu u soo yeeray Los Blancos.

Ma jiro ciyaaryahan laga helay Korona Fayras oo ka tirsan Real Madrid kuwaasoo dhammaantood tijaabo la xiriirta caabuqan la marsiiyey dib ugu soo laabashadooda tababarka.

Dhammaan baaritaan la xiriirka Kofid 19 ayaa la marsiiyey xiddigaha kooxda koowaad iyo shaqaalaha kale ee naadiga, maadaama ay kooxdu isku diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub, dhammaantoodna waxaa la warinayaa in laga waayey shaqsi qaba caabuqan.

Xiddigaha aan aadin waajibaadka xulkooda qaranka ee ka mid ah shaxda Tababare Zinedine Zidane ayaa haatan awooda inay isdiyaarintooda xilli ciyaareedka bilaabaan maanta oo Isniin ah.

Kooxda Los Blancos ayaa kulankeeda ugu horreeya horyaalka La Liga ciyaari doonta midkood maalmaha 19 ama 20 bisha September, maxaa yeelay waxa ay ku lug lahaayeen tartanka Champions League bisha Agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here