Natiijada kulamada galabta laga ciyaaray Baladweyne

0
579

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubada cagta ee Xidigaha ayaa laga reebay Tartanka Faarax Gubadleey kadib markii wax aaysan fileeynin ay kala kulantay Galabta Kooxdi wareega lugtii hore aay ku garaaceen 2-0.

Kooxda Iftin ayaa ciyaartii galabta jawaab cad kabixisay goolashii lagu lahaa iyadoo Ciyaarta waqtigii loogu tala galay ay ku dhamaatay 2-0 oo aay ku gacansareeyso kooxda Iftin.

Labada kooxood ayaa lagu kala bixiyay rigoorayaal gaarayay 6-7 oo aay ku awood sheegatay kooxda Iftin.

Waxaana sidaa Tartankan isaga hartay kooxda laga badiyay ee Xidigaha

Dhan kale kale waxaa lasoo gaba gabeeyay Tartanka is dhaxgalka afarta xaafadood ee magaalada baladweyne wajigiisa labaad iyadoo lagu soo xeray  kooxaha Kooshin B iyo Buunda-weyn A.

Kooshin B  ayaa lagu garaacay 4-0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here