Baladweyne ( Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa si habsami leh uga socda tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo hadda maraya meel xiiso badan.
Kooxda kubadda cagta Fiiltare SC ayaa 8-3 uga badisay dhigeeda Waaberi kadib ciyaar ku dhaxmartay garoonka Buulaxaabley, halka kooxda VIP ay rigoorayaal 5-4 uga badisay dhigeeda kooxda IFTIN kadib markii ay isla dhaafi waayeen barbaro 2-2 ah waqtiga loogu talo galay ciyaarta.
Sidoo kale kooxda kubadda cagta dhagax jabis ayaa 10-4 uga badisay kooxda Horseed B kadib ciyaar galabta ku dhaxmartay garoonka Afyare.
Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ee ka socda magaalada Baladweyne ayaa hadda maraya meel xiiso badan waxana galab kasta u soo daawasha taga dhalinyaro badan, halka maalin kastana tartanka ay ka haran laba kooxood.


