Baladweyne ( Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa si habsami leh uga socda tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo hadda maraya is ree reebka kooxaha.
Kooxda kubadda cagta Alba ayaa 11-1 uga badisay kooxda Doonka, halka kooxda Raadeer ay 5-2 uga badisay dhigeeda kooxda Afar Luuq kadib ciyaar ku dhaxmartay garoonka Buulaxaabley.
Sidoo kale kooxda kubadda cagta Fiiltare ayaa 8-3 uga badisay dhigeeda Hiiraan Asal, halka kooxda kubadda cagta Kooshin ay ku soo baxday Forfeyd kadib markii garoonka Afyare ay soo wada xaadiri waayeen kooxda Jeerey.
Tartankan oo mid xiiso gaar ah leh ayaa maalin kasta waxaa garoomada Buulaxabley iyo Afyare u daawasha taga dhalinyaro badan oo xiisaya ciyaaraha.