Natiijada tartamada galabta laga ciyaaray Baladweyne

0
572

Baladweyne(Radio Beerlula)-Tartanka isdhaxgalka afarta Xaafadood ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa galabta wada ciyaaray kooxaha Buundo weyn A iyo Howlwadaag A.

Kooxda Howlwadaag A ayaa 10-4 kaga  badisay Buundoweyn A, waxana tartanka laga reebay  kooxda Buundo weyn A.

kooxaha Buundo weyn B iyo Xaawo Taako B ayaa maalinta beri ah wada ciyaari doona iyadoo kooxda soo baxda ay la ciyaari doonta maalinta jimcaha kooxda Howlwadaag A.

Sidoo kale kooxaha Rugsan iyo Holac ayaa galabta ku wada ciyaaray garoonka Laqanyo, waxana ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 waxana labada ku badisay Rugsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here