Netflix oo soo saartay war cusub oo ku wajahan dadka aflaamta ka daawada.

0
184

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Barta Netflix waxay sare u qaadi doontaa qiimaha adeegyadeeda dhowr waddan ka dib markii dadka ku xiran ay kordheen ilaa 19 milyan oo qof bilihii ugu dambeeyay ee 2024.

Netflix, adeegga filimada ee khadka tooska ah, ayaa sheegay inay kordhin doonto kharashyada is-diiwaangelinta ee Maraykanka, Canada, Argentina iyo Portugal.

Netflix ayaa soo warisay tiro ka badan intii la filayay ee macaamiisha ah. Aflaanta ka qayb qaatay kororka macaamiisha waxa ka mid ahaa taxanihii labaad ee filimka South Korea ee Squid Game iyo sidoo kale kuwo kale oo ay ku jiraan ciyaar feerka ah oo u dhaxaysay dagaalyahanka saamaynta leh ee Jake Paul iyo halyeygii hore ee miisaanka culus adduunka kulahaa Mike Tyson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here