Newcastle oo garoonkeeda St. James’ Park saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Chelsea

0
157

Baladweyne (Radio Beerlula)-Newcastle United ayaa garoonkeeda St. James’ Park saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Newcastle United iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad kooxda Newcastle United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay ciyaaryahkooda Joe Willock, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Miguel Almirón.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Newcastle United, kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka St. James’ Park