Newcastle Vs Arsenal

0
101

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa safreysa iyadoo niyadda ku  haysa guul ay soo garaan si rajadooda horyaalka xilli ciyaareedkaan u sii noolaato halka Newcastle iyana dagaal ugu jiraan boos wacan oo Champion-ka ay  uga qeyb galaan

Xogta Kulanka

Newcastle ayaa ku tartamaysa inay saddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah gurigeeda ku garaacdo Arsenal markii ugu horaysay tan iyo 1996 kii.

Magpies ayaa barbaro 0-0 ah ku gashay Emirates Stadium bishii Janaayo, waxaana laga yaabaa inay ka fogaato guuldarro labada kulan ee Premier League ee ay wajahday Arsenal hal xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo 2010-11.

Arsenal ayaa shabaqeeda  ilaashatay 29 kulan oo ay wajahday Newcastle horyaalka Premier League – ma jirto koox wax ka badan ka ilaashatay hal koox taariikhda tartanka.

*Magpies ayaa badisay sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, oo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay, iyagoo dhaliyay wadar ahaan 13 gool seddexdaas guulood.

Gunners ayaan wax guul ah gaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda (2 bar-baro, iyo 1 guuldarro),