Neymar Jr Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League & Kooxda Heshiiska Hordhaca Ah La Gaadhay

0
90

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa raacaya raadka Lionel Messi iyo Kylian Mbappe, waxaanu iskaga tegayaa kooxdiisa Paris Saint-Germain oo uu ka  dalbaday inay iibiyaan.

Neymar Jr. ayaa la sheegay inuu kooxdiisa ka dalbadaya inay ogolaadaan inay iibiyaan xagaagan, waxaana hadda uu go’aanka ka sugayaa PSG oo u muuqata in ay diyaar u tahay inay iska dirto si ay meesha uga saarto culayskiisa dhaqaale maadaama ay ciyaartooyo badan la sxeexdeen.

Telefishanka RMC Sports oo helay xogta Neymar iyo PSG, ayaa waxa uu sheegay in laacibkani uu rumaysan yahay inay uga dhamaatay Parc des Princes oo uu hadda taagan yahay waqtigii uu bixi lahaa, waxaana uu wada-hadallo toos ah kula jiraa kooxda horyaalka aPremier League ee Chelsea.

Warka ayaa intaa ku daray, in wakiilka Neymar ay xidhiidh toos ah leeyihiin Chelsea, sidoo kalena uu codsigiisa ah in la iibiyo waqti horeba gacanta ka saaray PSG oo uu rajaynayo in laga aqbali doono.

Chelsea oo kaliya ma aha kooxda danaynaysa Neymar Jr, balse waxa la sheegay in sidoo kale ay suurtogal tahay inuu tago Liverpool oo raadinaysa ciyaartooyo ay isku xoojiso gaar ahaan khadka dhexe, halka kooxdiisii hore ee  Barcelona ay iyaduna doonayso xiddigan.