N’Golo Kanté oo iska diiday dalab kaga yimid Chelsea

0
169

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa diiday dalab uu ku doonayay in uu heshiis cusub ugu saxiixo Blues xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska N’Golo Kanté ee Chelsea wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, wuxuuna wada hadal la furan karaa koox cusub si uu ula saxiixdo, laga bilaabo bisha January ee soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun”, maamulkii hore ee Chelsea ayaa Kanté u soo bandhigay heshiis uu ku saxiixayo saddex sanno ah, uu dhookh u heysto inuu saxiixo sanad kale.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in wadahadalada maamulka cusub ay noqdeen kuwa ka duwan, maadaama milkiilaha, Todd Boehly, uu Kanté siinayo qandaraas labo xilli ciyaareed ah, marka lagu daro qodob ah inuu saxiixo sanad kale oo saddexaad.

Kanté ayaa diiday dalabkaan, sababtoo ah wuxuu doonayaa qandaraas cusub oo 4 xilli ciyaareed ah, sidoo kale wuxuu diyaar u yahay inuu kubadda cagta kaga fariisto Blues.

Maamulka Chelsea ayaa xisaabta ku darsaday dhaawacyada joogtada ah ee Kanté, sidaas darteed ay jirto cabsi laga qabo in la siiyo qandaraas 4 xilli ciyaareed ah.