Nin 1,400 oo maalmood u xirnaa sawirro uu qaaday darteed

0
116

Baladweyne (Radio Beerlula)-Duullimaadka ka soo baxay Shiinaha ayaa soo afjaray dhibkii foosha xumaa ee loo geystay ganacsadahan u dhashay Taiwan oo dalkaas lagu haystay in ka badan 1,400 oo maalmood.

“Waxaan dareemay nafis weyn ka dib markii aan maray baaritaanka baasaboorka, wax yarna waan ooyay,” ayuu u sheegay BBC todobaadkan. “Waxaan ku soo noqday adduunka xorta ah.”

Mr Lee ayaa la xiray oo xabsiga la dhigay 2019-kii ka dib markii uu sawiro ka qaaday saraakiisha booliiska Shenzhen. Waxaa lagu eedeeyay basaasnimo iyo xatooyo sirta qaranka – eedeymahaas oo uu hadda beeniyay.

Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii Luulyo 2021, laakiin waxaa laga hor istaagay inuu ka baxo Shiinaha maadaama “laga xayuubiyey xuquuqda siyaasadeed”.