Baledweyne ( Radio Beerlula )-Nin ku nool magaalada Shanghai ayaa lumiyay ku dhawaad qiyaastii $28,000 kadib markii lagu khiyaameeyay xiriir jacayl oo been abuur ah, ayada oo la adeegsanayo gabar lagu sameeyay garaadka macmalka ah (AI), sida ay warisay warbaahinta dowladda Shiinaha.
Kooxda khiyaanada sameysay ayaa adeegsaday software AI ah si ay u abuuraan muuqaallo iyo sawirro si dhab ah u eg gabar dhallinyaro ah, iyagoo iska dhigay qof aan jirin oo lagu magacaabay “Ms. Jiao,” sida uu sheegay taleefishinka dowladda ee CCTV.
Dhibbanaha, oo magaciisa lagu sheegay Mr. Liu, ayaa u wareejiyay lacag gaareysa $28,000 akoon banki oo uu u haystay inuu yahay midka saaxiibtiisii internet-ka, kadib markii kooxdu ay adeegsadeen sawirro been abuur ah si ay ugu qanciyaan in “gabadha” ay u baahan tahay dhaqaale si ay ganacsi u furato, iyo in ay ehelkeeda ka caawiso kharashaadka caafimaadka.
Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah si ay u muujiyaan in dalabkooda lacag ay dhab ka tahay, sida uu sheegay CCTV.
Horraantii bishan, shirkadda Mareykanka ee Meta, ee leh Facebook, ayaa uga digtay dadka isticmaala internet-ka khiyaanooyinka ku saleysan jacaylka online-ka, iyadoo xustay in AI la adeegsado si loogu kasbado kalsoonida dadka ka hor inta aan laga dalbanin lacag. Shirkaddu waxay sheegtay in khiyaamooyinka noocan ah ay sii kordhayaan.


