Nin 7 xaas hal mar guursaday

0
127

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Nin ka shaqeeya howlaha dawo dhaqameedka oo 43 jir ah oo ka soo jeeda tuulada Namasengere ee degmada Mukono ee dalka Uganda ayaa si weyn u hadal hayn uga abuuray baraha buslhada, ka dib markii uu uu guursaday todobada xaas.

Todobada gabdhood ayaa waxaa kamid ah labo gabdood oo walaalo ah.

Kolanyadii guurkiisa galbeneysay ayaa lagu soo waramayaa in ay wateen ku dhawaad ​​40 baabuur iyo 30 mooto ama dugdugley sida dadka deegaanka ay sheegeen in Nsikonnene ganacsigiisa uu ku kacayo lacag aad u badan.

Ninkan ayaa la sheegay in hadyado qaali ah ugu deeqay dhamaan walidiinta gabdhaha uu guursaday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Nsikonnene uu mid walba oo xaaskiisa ah hadiyad ahaan ugu soo iibiyay baabuur cusub, iyadoo mid walba baabuurkeeda ku qoran yahay magacyo u gaar ah.

Guddoomiyaha tuuladaas ayaa hadda doonaya in uu waddo aaggaas ku taallo ugu magacdaro Nsikonnene.

Dadka ayaa ninkan ku ammaany in uu tuuladooda caan ka dhigay oo meel walbo hadda laga hadal haayo.