Baladweyne ( Radio Beerlula )-Muumin Aadan Maxamed waa aabo dhalay 7 caruur ah islamarkana ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaasoo sariirta gurigiisa u saran xabad habow ah oo ka haleeshay qoorta taasoo dhibaato gaariisay dareemaha xubnaha jirka isamarkana ka dhigtay mid aan dhaqdhaqaaqeyn oo u baahan markasta in la caawiyo.
Inkastoo Muumin Aadan Maxamed uu hadali karo haddana waxaa dareemaha dhaqdhaqaaqa ay ka tageen xubnaha kale ee jirka taasoo dhaqaatiirta ay sheegeen in gudaha dalka waxba looga qaban karin, waxana uu ka soo jeeda qoys danyar ah.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sahra ibraahim Dhicisow.


