Nin dhalinyaro ah oo ku nool Baladweyne oo lacagta jaamacadda iyo nolosha reerkiisa ku dabara xirfad uu bartay.

0
292

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xuseen Abukar Cismaan  oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Baladweyne  islamarkana bartay xirfadda gacanta ayaa nolosha reerkiisa ka dabaran sameynta Qalabka Guryaha sida  miisaska Sariiraha iyo Armaajooyinka oo uu ku sameeyo garaash yar oo uu ka dhax furtay gurgiisa.

Maalmaha Khamiista iyo jimcaha ayuu wax kabartaa Jaamacada Hiiraan ee magaalada Baladweyne  halka maalmaha kalana uu xirfadda farsamada gacanta ku shaqeysti si uu mareeyo nolosha reerkiisa islamarkana uu iskaga bixiyo lacagta jaamacadda.

Xuseen Abuukar Cismaan ayaa radio Beerlula uga waramay sida nolosha reerkiisa uu uga mareeyo xirfaddan uu bartay.

Sidoo kale Xuseen Abukar Cismaan ayaa xiliyada qaar ka shaqeysta dhisida guryaha, waxana uu ugu baaqay dhalinyarada kale inay shaqeystan.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here