Nin dhintay isaga oo ku jira gacanta booliska Kenya iyo caro ka dhalatay.

0
214

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tobaneeyo qof oo ka mid ah dhaq-dhaqaaqayaasha arimaha bulshada ayaa ku dibad-baxay bannaanka goobta meydadka ee caasimadda Kenya ee Nairobi, ka dib markii nin 31 jir ah uu ku dhintay xabsiga.

Geerida Albert Omondi Ojwang ayaa caro ka dhalisay Kenya, Waxaa la xiray ka dib cabasho ka timid Taliye ku xigeenka Booliska oo ku eedeeyay inuu magaciisii meel kaga dhacay kadib xog uu ku baahiyay baraha bulshada.

Bayaan hordhac ah, booliisku waxay ku sheegeen in Mr Ojwang “ay ka soo gaareen dhaawacyo madaxa ka dib markii uu madaxa ku dhufsaday gidaarka xabsiga” intii uu xabsiga ku jiray.

Si kastaba ha ahaatee, qareenka qoyska Ojwang, Julius Juma, ayaa sheegay in jirka maydka uu ka muuqday calaamado jirdil, oo ay ku jiraan barar madaxa, sanka iyo dhegaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here