Nin dhintay oo maxkamadda kasoo muuqday si uu ugu marqaati furo ninkii dilay.

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)- Chris Pelkey ​​ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday wadada Arizona saddex sano ka hor.

Laakin isaga oo kaashanaya garaadka macmalka ah, waxa uu ku soo noqday horraantii bishan xukunka gacan-ku-dhiiglihii si uu u gudbiyo hadalka dhibbanaha laftiisa.

Xubnaha qoysku waxay sheegeen inay isticmaaleen tignoolajiyada soo koraysa si ay ugu oggolaadaan Mr Pelkey ​​inuu isticmaalo ereyadiisa si uu uga hadlo dhacdadii naftiisa lagu dilay.

Ms Wales oo la dhalatay  Chris Pelkey  ayaa sheegtay in ay qortay ereyada loo adeegsaday garaadka macmalka ah ee laga akhriyay maxkamada.

Maxkamadaha Arizona, ayaa xustay, inay durba bilaabeen in siyaabo kala duwan ay u isticmaalan garaadka macmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here