Nin haraad u dhintay oo qoyskiisa la siinayo Magdhow.

0
196

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jaamacad ku taal gobolka Kentucky ee waddanka Mareykanka ayaa oggolaatay inay $14 milyan oo doollar ay siiso qoys nin ciyaarta lagdinta dheeli jiray oo u dhintay jirka oo aad u kululaaday aawadii kaddib markii uu ku baryootamay in biyo la siiyo xilli uu tababaranayay.

Grant Brace, oo 20-jir ahaa, ayaa dhintay bishii Agoosto 2020, kaddib markii uu wax badan degdeg ku fuulay oo uu misana uga soo degay buur. Qareennadiisa ayaa sheegay in tababarayaashiisa ay u diideen inuu biyo cabo.

Laba tababare oo lagu xusay dacwadda ayaa lagu eedeeyay inay kooxda ku abuureen “jawi cabsi iyo cagajuglayn ku dhisan”.

Jaamacadda Cumberlands ayaa sheegtay inay rajaynayso in heshiiska la gaaray uu arrintaas soo afjari doono.