Nin isagoon minweynta ka amar qaadan xaas labaad guursaday oo xabsi la dhigay

0
79

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa toddoba bilood oo xabsi ah iyo ganaax ku xukuntay nin la sheegay inuusan xaaskiisa weyn u sheegin inuu xaas labaad guursanaayo.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in haddii uusan ninkan bixin ganaaxa loogu sii dari doono bil kale oo xabsi ah.

Xaakimka maxkamadda qoyska Adnan Liaquat ayaa joojiyay in xukunka lagu fuliyo ninkan wuxuuna siiyay muddo hal isbuuc ah oo uu racfaa ku qaadan karo.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, maaddaama xukunku yahay wax ka yar hal sano, waxaa eedeysanaha fursad loo siiyay inuu racfaan qaato.