Nin iyo Xaaskiisa oo Ciid ay xadeen ku muteysanaya Xabsi.

0
282

Baladweyne(Radio Beerlula)- Lamaane u dhashay dalka Faransiiska ayaa lagu qabtay iyaga oo si xatooya ah ugu qaadanaya Gaari waateen Ciida Jaziirada Sardinian waxaana ay wajihi karaan xabsi lix sano ah

Waxaa ay sheegeen in ay rabeen in ay ciida u qaataan gurigooda qaab xasuus ahaan ah iyagoo sheegay in aysan fahamsaneyn in ay ay dambi tahay arrintaas.

Ciida Cad ee Sardinia ayaa ah ciid qaali ah waxaana mamnuuc ah in Jaziiradaasi laga qaado.

Muddo sanooyin ah ayaa dadka deegaanku waxay ka cabanayeen xatooyada loo gaysanayo waxyaabaha dabiiciga ah oo ay ciidu ka mid tahay .

Lamaanahan ayaa wajahaya xabsi u dhaxeeya hal sano ilaa lix sano oo la xiriira dambiga xatooyada oo ay galeen iyada oo lagu eedaynayo in ay xadeen hanti dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here