Baladweyne (Radio Beerlula)-Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa toogasho lagu dilay kadib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey amarka guriga-joog ah, ee looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Jimcaha sheegay booliska iyo sharci-dejiye.
Nigeria ayaa soo rogtay tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan magaalooyinka waa weyn oo la go’doomiyey, si la isugu dayo in la xakameeyo fayruska, oo dalkaas ku saameeyey 184 qof, oo laba ka mid ah ay u dhinteen.