Nin kala bar laga siiyay dhagxaan qaali ah oo uu meel ka helay

0
175

Baladweyne(Radio Beerlula)-Nin sanado ka hor ku turunturooday sanduuq ay ku jiraan dhagxaan qaali ah oo muddo tobanaan sano ah dul saarnaa buurta Mont Blanc ee dalka Faransiiska ayaa hadda la guddoonsiiyay kala bar dhagxaantaasi qaaliga ah.

Ninkaasi oo aan magaciisa la shaacin oo ka mid ah ragga buuraha fuula ayaa dhagxaantaasi helay qaaliga ah sanadkii 2013.

Waxaa la rumeysan yahay in sanduuqaasi uu lahaa qof la socday diyaarad laga leeyahay dalka Hindiya oo burburtay muddo haatan laga joogo nus qarni.

Ninkaasi ayaa xilligaasi lagu ammaanay in sanduuqaasi uu ku wareejiyay booliiska, sida uu dhigayo sharciga dalkaasi Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here