Baladweyne (Radio Beerlula)- Meydka nin Australian ah oo la waayay xilli uu la kalluumaysanayay saaxiibadiis ayaa laga helay gudaha Yaxaas.
Kevin Darmody ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay halka loo yaqaan Kennedy’s Bend oo ah deegaan caan ah oo ay ku nool yihiin yaxaasyada.
Kaddib labo maalmood oo ay booliisku baaritaanno ka wadeen goobtaasi, ayaa waxa ay qabteen laba Yaxaas oo waaweyn, waxaana ay mid kamida ka dhex heleen haraagii ninka maqan.
Meydka wali si rasmi ah looma aqoonsanin, balse booliisku waxa ay sheegeen in ay u badantahay inuuu meydkan yahay ruuxa ay raadinayeen
Mr Darmody waxa uu ahaa nin waayo arag ah oo kalluumaysato ah iyo xubin si weyn looga dhex yaqaanay bulshada Cape York.