Baladweyne(Radio Beerlula)- Muddo laba sano ah oo dib loo dhigay, maydka aabaha madaxweynaha Congo ayaa ugu dambayntii lagu duugay meeshii uu ka soo jeeday.
Etienne Tshisekedi oo ahaa mucaarad rugcadaa ah jirayna 84 sano ayaa ku geeriyooday Belgium bishii Febraayo 2017-kii.
Balse maydkiisa ayaa lagu hakiyey Brussels iyada oo la sheegay inuu xumaa xirriirkii ka dhexeeyey madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila. Balse taasi ayaa dhamaatay markii uu wiilkiisa , Félix, noqday madaxweynaha dalka sanadkii la soo dhaafay.
Kummanaan qof ayaa isugu soo baxay aaskiisa.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa buux dhaafiyey garoonka diyaaradaha xilligii maydkiisa laga soo dajiyey garoonka.