Nin lix bilood u lugeynayay Moscow si uu u afgambiyo madaxweyne Putin

0
306

Baladweyne(Radio Beerlula)-Alexande Gabyshev  oo ah nin si weyn uga soo horjeeda  madaxweynaha dalka Ruushka ayaa muddo lix bilood ah u lugeynayay inuu gaaro caasimadda ruushka ee Moscow balse inta uusan gaarin ayaa laga hor istaagay.

Gabyshev wuxuu doonayay inuu gaaro magaalada caasimadda ah ee Moscow, si uu fool-ka-fool uga hortago madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, laakiin waxaa hakiyay ciidamada booliska.

Sida uu sheegay, wuxuu doonayaa inuu si khasab ah xilka uga qaado madaxweyne Putin, isagoo adeegsanaya hab nabadeed oo uusan dhiig ku daadanin.

“Nin awood dheeraad ah leh kaliya unbaa la dagaallami kara sheydaanka, laakiin ma jirto cid kale oo ka guuleysan karta, waxay doonaan ha noqdaan awood kastana ha heystaan, waayo cadowgu ma aha bani’aadan ee waa sheydaan, ninka awoodda Alle wata oo kaliya unbaana ka adkaan kara”, ayuu yiri Gabyshev.

Mas’uuliyiinta ayaa ninkan dib ugu celiyay magaaladii uu kasoo jeeday, waxaana la geeyay isbitaal lagu daweeyo dadka dhimirka la’, laakiin markii dambe waa laga saaray isbitaalka.

Hadda wuxuu ka war sugayaa in lagu soo oogi doono dacwad dhinaca xagjirnimada ah iyo in kale.

Mar uu goor dambe BBC-da kula hadlay khadka telefoonka ayuu sheegay in mudaharaadkisii uu aaminsan yahay inuu dad badan dhiirrigaliyay, uuna rajeynayo inuu isbaddal sabab u noqon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here