Nin lixdan dumar ah guursday oo haddana kala qariyay oo xabsiga loo taxaabay

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)-Nin lagu magacaabo Abu Baker, kana soo jeedo Magaalada Jamalpur ee dalka Hindiya ayaa lagu xiray Magaalada Purbadhala ee dalka Bangladesh, kadib markii ay dacweysay xaaskiisa oo lagu magacaabo Rosy Khanum.
Ninkan oo da’diisu ay tahay 45 sano jir ayaa loo heystaa khiyaano uu ku sameeyay xaaskiisa.
25-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa uu Abu Baker guursaday 60 xaas, waxaana xaaskiisi ugu horeysay uu guursaday isagoo 20 sano jir ah.
Xaaskii 60-aad ayaa dacwadda ka gudbisay, kadib markii ay ku eedeysay in uu uu ka tegay, sidoo kalena adeegsaday waraaqo been abuur ah, si uu iyada u guursado.
Wargeyska The Dhaka Tribune ee ka soo baxa dalka Bangladesh ayaa kusoo warramay in markii Abu Baker guursanayay isla xaaska hadda dacweysay uu iska dhigay nin aan horay usoo guursanin.
Markii uu la aqal galayay Rosy Khanum, waxaa uu sheegtay in magaciisa uu yahay Shaheen Alam, waxaana gabadha aabaheed uu ka dalbaday in uu siiyo lacagta meherka.
Abu Baker ayaa dalbaday lacag dhan laba kun doolar, hasayeeshee aabihii dhalay gabadha ayaa ka diiday dalabkaas oo waxaa uu siiyay sagaal boqol oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here