Nin maalqabeen ah iyo lix ruux oo kale oo la laa’yahay kadib markii doon ay la degtay.

0
39

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maalqabeenka dhanka tijnoolajiyada ee u dhashay Ingriiska Mike Lynch, iyo lix ruux oo kale ayaa la la’yahay ka dib markii dooni nooca raaxada ah oo la socdeen ay ku degtay xeebaha Sicily ee dalka Talyaaniga.

Doontan nooca raaxada ah dhedher ahaan dhan 56 mitir ayaa waxaa la socday 22 qof, oo kala ah laba iyo toban rakaaaba iyo toban shaqaale ahaa.

Dadka la socday doonta ayaa haystay dhalashooyinka dalalka Ingriiska, Maraykanka iyo Kanada.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa soo badbaadiyay 15 qof oo ay ku jirto gabadh yar oo British ah.