Nin rakaab ah oo furay albaabka diyaarad hawada ku jirta.

0
212

Baladweyne (Radio Beerlula)-Nin ayaa loo xiray inuu furay albaabka badbaada ee sida degdegga ah looga dago diyaaradda marka khatar ay jirto.

Duulimaadka diyaaradda Asiana ayaa la filayay inay caga dhigato dalka Kuuriyada Koonfureed.

Dhammaan 194 rakaab ee saarnaa dulimaadka ayaa bad qaba, iyadoo diyaaradda oo albaabku u furan yahay ay si nabada ugu dagtay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka caalamiga ah Daegu Jimcihii.

Kala bar rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa la kulmay dhibaato xagga neefsashada ah, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Ninka furay albaabka diyaaradda oo da’da sodonaadka ku jira ayaa la xiray markii diyaaraddu cagadhigatay.

Shirkadda diyaaraddaha ee Asiana waxay sheegtay in boolisku bilaabay baaritaan buuxa oo ku saabsan dhacdadan.