Nin u dhashay dalka Turkiga oo looga shakiyay in mukhalasiinta uu doonyo siiyo oo lagu xiray Holland.

0
38

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu xiray dalka Holland, kadib markii looga shakiyay inuu doonyo yar yar iyo qalab uu siinayay dadka wax tahriibiya.

Afartan iyo afar jirkan oo magaciisa aan la shaacin ayaa Arbacadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Skipol, ka dib howlgal caalami ah.

Waxa uu wajahayaa in loo gacan geliyo Belgium.

Hay’adda dambiyada qaranka ee Britain ayaa sheegtay in ninkan looga shakisan yahay matoorro iyo doonyo laga keenay Turkiga oo lagu keydiyay Jarmalka, ka hor inta aan la keenin waqooyiga Faransiiska marka loo baahdo.

Britain ayaa isku dayaysay inay ka hortagto muhaajiriinta ku soo qulqulaya kanaalka iyagoo raacaya doomo yar yar.

Howlgalka waxaa fuliyay maamulada Holland, Beljimka iyo Britain, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here