Baladwayne ( Radio Beerlula )-Nin ka soo jeeda gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, ayaa 42 saacadood ku xayiranaa wiish gudaha isbitaal halkaasi ku yaalla isaga oo aan haysan wax cunto iyo biyo ah.
Ravindran Nair, oo 59 jir ah, ayaa wiishka u galay ama u raacay si uu ula kulmo dhakhtar galabnimadii Sabtidii aan ka soo gudubnay – ka dibna waxa uu halkaa ku xayirnaa ilaa subaxnimadii Isniinta, kadib markii ay halkaa gaareen farsamayaqaanno qaabilsan cilad bixinta wiishka, Hadda waxa uu ku jiraa isbitaal, waxaana laga daweynayaa fuuqbax iyo dhabar xanuun.
Xubnaha qoyskiisa ayaa markii hore u maleeynayay inuu shaqo jiro, balse markii dambe waxay la xiriireen booliiska oo waxay bilaabeen baadigoob.
Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha Hindiya, taasoo keentay in dowladda gobolka ay shaqada ka joojiso saddex farsamayaqaan si baaritaanno loogu sameeyo.
Saraakiisha kuliyada caafimaadka dowladda, iyo wasiirka caafimaadka ee gobolka ayaa raaligelin siiyay Mr Nair.