Nin u dhintay dawo la sheegay in looga hortago xabadda.

0
101

Baladwayne (Radio Beerlula )-Ciidamada booliska dalka Nigeria ayaa xabsiga dhigay Nin dhaqtar ah oo ku xeel dheer daawo dhaqameedka kaasoo dilay nin lagu magacaabo Mudane Cali xilli uu ku jiray waxa loogu yeero “bullet-proof charm” ama “quraafat la sheegay inay ka difaaci karaan xabadda.

Afhayeenka booliska Axmed Wakil ayaa xaqiijiyay dhacdan oo si weyn looga hadlayo dalka Nigeria.

Toogashan ayaa waxaa geystay nin dhaqtar dhanka daawo dhaqameedka ku xeel dheer kaasoo tijaabinayay daawo uu sheegay inay ka hortageyso xabada islamarkana qofka uusan u dhimaneyn marka lagu dhufto.

Ciidamada booliska Nigeria oo tagay goobta sidoo kale xabsiga dhigay laba ruux oo kale waxaa sidoo kale lagu daba jooga laba ruux oo kale oo arintan ku lug lahaa.