Nin xaday dheeman oo ka hor intan la qaban liqay.

0
159

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliska magaalada Orlando ee gobolka Florida ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeyay inuu liqay dhego Dheeman ah oo ah nooca qaaliga ah ee shirkada Tiffany, ldhegahaas oo qiimahoodu ka badan yahay nus malyuun dollar.

Booliska magaalada Orlando ee dalka Maraykanka ayaa ninkan oo 32 jirka ah laguna magacaabo Jaythan Gilder ku eedeeyay inuu been u sheegay shaqaalaha shirkadda Tiffany & Co. ee dukaanka ku yaala Florida isagoo u sheegay inuu wakiil ka yahay “ciyaaryahan xirfadle ah”, taas oo keentay in shaqaaluhu tusaan “dhowr qaybood oo qiimo sare jooga oo ah dheemanka iyo dahabka dukaanka yiilay”.

Mr Gilder ayaa markaasi la sheegay in uu xaday dhegaha qaaliga ah wax yar ka dib markii uu kursigii uu ku fadhiyay ka booday, dheemankiina qabsaday isagoo damcay inuu xoog uga baxo albaabka dukaanka.

Kaamirooyinka ammaanka ee suuqa ayaa qabtay sawirrada Gilder oo ku baxaya gaari Mitsubishi Outlander buluug ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here