Ninka ugu caansan barta Tiktok oo laga musaafuriyay Mareykan.

0
185

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka (ICE) ayaa  xirtay Khaby Lame, oo 25 jir heysta dhalashada Talyaaniga, kaasoo ah ninka ugu taageerada badan (Followers) badan Tiktok.

Waxaa laga qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Harry Reid ee ku yaalla Las Vegas, Nevada, xarigiisa waxaa lala xiriiriyay ku xadgudubka sharciga socdaalka.

Sida AFP ay baahisay,  Abriil 30, ayuu galay dalkaasi, isagoo kusii nagaaday muddo ka badan intii fiisihiisu loo oggolaa.

Mareykanka ayaa ninkan dalkooda ka musaafuriyay, isagoon wali ka hadal dhacdadan, Lame wuxuu heystaa  in ka badan 162 milyan oo raacsan TikTok.

 

Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu fulinayay ballanqaadyadii ololihiisa ee ku saabsanaa adkeynta xuduudaha iyo dhoofinta dad badan oo sharci darro ku jooga dalkaasi,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here