Baladweyne (Radio Beerlula)- Ganacsade u dhashay dalka Hindiya oo 52 jir ah ayaa u dhisay guri yar oo laga dheegtay aqalka caanka ah ee Taj Mahal xaaskiisa oo 27 sano ay isqabeen.
Anand Prakash Chouksey wuxuu ka dhisay “taalladiisan jacaylka” magaalada Burhanpur ee gobolka badhtamaha Hindiya ee Madhya Pradesh.
“Waxay hadiyad u ahaa xaaskayga laakiin sidoo kale magaalada iyo dadkeeda,” ayuu Mr Chouksey u sheegay BBC.
Gurigan ayaa dhismihiisa ku kacay ilaa 20 milyan oo rupees (£199,000; $260,000), ayuu yidhi.
Taj Mahal waa dhisme la sheego in la dhisay Qarnigii 17aad, waxaana dhisay Mughal Imbaraadoor Shah Jahan si loogu xasuusto boqoraddiisi Mumtaz oo geeriyootay xilligii ay umulaysay cunugoodii 14-aad.
Taallada yaabka leh, oo caan ku ah quruxda iyi xajmigeeda, waa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee dalxiiska ee Hindiya. Kahor masiibada Karoona, waxay soo jiidan jirtay ilaa 70,000 oo qof maalin kasta – liis ay ku jiraan dad caan ah iyo mudanayaal waaweyn.