Baladweyne(Radio Beerlula)- Jony Ive oo ah ninka telefoonada ay soo saarto shirkadda Apple u naqshadeeyn jiray ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tegayo si uu sameysto shirkad gaar ah.
Waxaa uu gaarsiiyay shirkadda heer ay noqoto midda ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka.
Ninkan ayaa waxaa uu naqashadeyn jiray teleefoonada kala ah Mac, iPod iyo iPhone, waxaa uu ka dhawaajiyay in dabayaaqada sannadka uu shaqada isaga tegayo si uu sameeyo shirkad isaga u gaar ah oo arrimaha teknoolojiyadda qaabilsan laguna magacaabo ‘LoveFrom.
“Waa taallaabo iska caadi ah waana wakhtigii ugu haboonaa ee aan sameyn lahaa isbaddal” ayuu yiri naqshadeeyahan u dhashay dalka Ingiriiska.
Madaxa shirkadda Apple, Tim Cook waxaa uu sheegay in Jony Ive uu horumaro gaarsiiyay shirkadda isla markaasna aanan lasoo koobi karin heerka uu gaarsiiyay Apple.