Nooc cusub oo ka mid ah cudurka busbuska oo fara ban ku haya Congo.

0
58

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Nooc cusub oo fayraska busbuska ayaa si degdeg ah ugu faafaya Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, khubarrada ayaana sheegay inuu yahay nooca ugu khatarsan ee ay arkeen.

Busbuska oo loo yaqaanno Mpox, horena loogu aqoon jiray monkeypox ayaa ah xanuun ka jira qeybo ka mid ah galbeedka iyo bartamaha Afrika kiisaska ayaana ku sii badanayay qaaradda muddo tobnaan sano ah.

Sanadkii 2022, xanuunkan oo ka dillaacay dunida ayaa asiibay Yurub, Australia, Mareykanka iyo dalal kale oo badan.

Calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, barar, dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

Fayraska ayaa asal ahaan ka yimid xayawaannada oo bani’aadamka u gudbiyay, wuxuuna ku badan yahay dalalka u dhow keymaha.